Part 10 Jahwareer jaceyl

raaxo oo hadalka wadato ayaa ku dhahday

 

Raaxo: cabaas waan ku jeclahay in aad i dhahdo adiga oo aanan ka rumeynin maxa kugu qasbay oo aad nafsadeyda qiyaanto

Cabaas oo hadalkaasi la yaabaya ayaa ku dhahay

Cabaas: maxaad ka hadleysa maba ku fahmin e

Raax: waxaan so ogaaday in aad safiyo xiriir la ledahay

Cabaas:  waa sax balse xiriir nuucee ah

Raaxo: marba hadii aad sax dhahday waa sida aad sax u dhahday ee horomar wacan ayaan idin rajeynayaa

Cabaas: maku fahmin ee wax u fahansii

Raaxo: maanta ayaan so maqlay in aad safiyo xiriir jaceyl la ledahay marka maxaa kugu qasbay mise aniga ayaadan igu qanacsaneyn

Cabaas: war waxaasi ma jiraan ee sidee camal miyaadan igu kalsooneeyn

Raaxo: waan kugu kalsoonaa balse marba hadi aad telfoonka iga qaban waaysay waxaan ogaday in aanan kugu kalsoonaan karin

Cabaas: cala iyo xaal , wax igala dhaxeyo safiyo ma jiran ee hadii adan i amineynin ayada weydi ,

Raaxo: muhiim ma ahan in aan weydiyo

cabas oo ka xumaaday hadalada ad adag oo aay raaxo adeeg saneyso aya ku dhahay

Cabaas: raaxo dhowr jeer ayaan isku dayay in aan kalsoni adag ku siiyo , hada ayeey maheyd markii aad iga raali galineysay qaladkii aad iga gashay ,

raaxo: muxuu ahaa qaladka an ka raali galiyay

Cabaas: in aan dib u noqdo diyaar uma ihi , balse hadaba , ogaaw waa markii ugu danbeysay oo aan ku raali galiyo, waan ku jeclahay beene ma ahan , safiyo wax iga dhaxeyo ma jiraan , balse hadii aadan intaasi igu aamineynin , qeyr ayaan ku rajenayaa , dib danbe ha isoo raadin

Raaxo oo ka naxday hadalada ka soo baxay cabaas ayaa dhahday

 

Raaxo: maku fahmin'/

Cabaas: haa oo waa xanuun in aad runta fahanto , balse hadii aad i jeceshahay wa in aad runta ogada hadi kale , nagu kala wad oo walaaltinamadeena dib noogu bilaaw , si aad cudurkaan maseerka iskaaga saarto

Raaxo: macaanka sidaasi ha u hadlin

Cabaas: macanka macaanka macaanka>>>> macaanka in aad dhahdo wa fudeed in aad igu kalsoonantone waa waa adeeg , walaahi ma ogi wax aan kugu tilaamo

Cabaas: balse waxaan ku ogeysinaya waxaanba shaki ka qabaa in aad i jeceshahay iyo inkale ee bal i sheegbo sidee wax u jiraan

Raaxo oo yaaban misane qiyaastay in uu gacaliyaheeda saxan yahay oo ay garan weyday meel aay hadal ka bilaawday ku dhahday

 

Raaxo: cabaas iga raali noqo , walaahi waan ku jeclahay oo taasi shaki kuma jiro balse xoogaa waan xanaaqay somahan

Cabaas: dabcan shaki wuu ku gali kara , balse in aad malin kasto sheeko cusub ila imaado waa laga wanaagsan yahay

Raaxo: waan ogahay balse iga raali noqo

Cabaas: hadaba ogaaw hadii u xariirkeena burburo adiga ayaa mas uul ka ah , oo dood badan kalsooni daro ayeey ledahay ,, hadii aan kalsooni daro bilaawo waa wax aad adiga mas'uul ka tahay

Raaxo: macaanka waxaan isku dayayaa in aanan mar danbe ka xanaajin ee markaan i cafiyo

Cabaas: aniga waligeeyba kuuma xanaqin , balse ogaaw in aad maanta xiriirkeena burburin tagtay

cabaas iyo raaxo ayeey sheekada iskuugu baxday waliba qosol iyo kaftan dheer galay

dhanka kale safiyo ayaa horay ka wacday saaxibateed Najmo si aay ugu sheegto in aay guuleysatay oo aay raaxo xanaaqday

Najmo hadalkaasi aad beey ugu faraxday oo wajigeda ayaa laga aqrisanayay farxad aan caadi aheyn

balse labo kala barida kal war la' ayeey somali dhahday

 

dad xaqiiq isku jecel si loo kala dilano aad beey u adagtahay e , raaxo iyo cabaas horay ayeey ka xaliyeey wixii qalad ah o dhacay , waxaadba moodaa dad aan waligood kala xanaaqin o kale

balse wuxuu waqtiga is guraba maalin maalmaha ka mid ah ayeey Raaxo goaansatay in aay gacaliyaheeda la kulanto si aay ugu sheegto arin ku soo zaaiday oo aheyd in aay dalka ka tagi doonto

 

raaxo ayaa markii aay u imaadya gacaliyaheeda ku dhahday

Raaxo: macaanka waxaan rabaa in aan arin cusub kuu sheego

Cabaas: maxeey tahay arintaasi"?

Raaxo: 3dex isbuuc ka dib waxaan rabaa in aado Kenya si aan u tago safarada Swedan ee halkaasi ku taal ka dib waxan rabaa in aan sidaasi ku baxo

Cabaas: marka aad baad u faraxsantahay ayaan qiyasayaa sax

Raaxo: sidaasi ha ila hadlin , hadalka aan ku shegayone kaftan ha u maleyn oo waa xaqiiq , waan bixi raba macaanka

Cabaas: marka aniga maxaad i tagi rabtaa hee misa waad iska bixi rabtaa

Raaxo: waan ku so gaday hadiyad qaali ah oo aad igu soo xasuusto waana FARAABTIGAAn ee please fartada haka saarin

cabaas: qof aan jeclahay o dhan ayaa iga tagooyso e faraanti ma waxbu i galaa se camal macaanto

Raaxo: haye maxaan kaloo sameyn karaa hee , ma safarkaan ka baaqdaa

Cabaas : dabcan safar aad intaasi o dhan sugeysan in aan ka baajiyo malaga yaabo marka safar salaamo anidga faraantigan ayaan ku sabrayaa qaali

 

 


asp hit counter
hidden hit counter