part 11 jahwareer jaceyl

Cabaas ayaa aad u daneenayay in uu gacalisadiisa raaxo qudbasireeyso balse markii uu weydiyay ayaa waxaa loogu jawaabay

Cabaas: macaanto waxaan rabaa in aan mid kaa codsado , waana mida kaliya ee aan ku xaqiijin karo in aan jaceylkeena

Raaxo: macaanka wax kasto oo niyadaada ku jiro waad i weydin kartaa

Cabaas: macaanta maxaad ka qabtaa hadaan is mehersano

Raaxo: macaanka xili aan is guursano mala joogaa hee , dabcan fursada aan heysano aad beey u yartay

Cabaas: oke , maxaad ka qabtaa hadaan meher qarsoodi ah galno oo anaga oo kaliya noo gaar

raaxo ayaa durba niyadeeda ku soo dhacday hadaladii aay saaxibteed Najmo horay ugu sheegtay o ahaa , in uu cabas dan gaar ah ka wato balse uuna daacad ka aheyn jaceyl

Raaxo ayaa niyada iska dhahday maanta guursato bari wax kasto ayaa dhici karo , ayaa duba goaansatay in aaynan ongolaanin guurka qarsoodi ah

oo aan cadeeyneyso in aayna ku qanacsaneyn ayaa ku dhahday

Raaxo: macaanka taasi raali maka ahi , oo guurgeyga ugu horeeya waa in u ahaadaa mid umada o dhan marqaati ka tahay

Cabaas: dabcan waan dareemi karaa in aadan ku qanacsaneyn , balse ogoow guurka in uuna aniga kaliya i dan aheyn oo dan noo wada yahay

Raaxo: macaanka hadii an calaf isku leenahay wan is heleeynaa balse aan jaceylka aan ka wada run sheegno insha allah waa hagaagee

Cabaas: macaanta hadalkaasi maku qancin , balse waxa qoran alla baa og

cabas iyo raaxo ayaa kaftan leeyska reexayo iyo qosol aan niyada jirin ku dhameystay maalintooda

dhanka kale cabaas aad buu ugu xumaa in aay gacalisadiisa ka tagto ayada o aan xaaskisa aheyn balse diyaar uma aheyn in uu ku dirqiyo guur , sababtoo ah asigaba marabin in uu aroos weyn u dhigyo qof dhoor maalmood ka dib dalka o dhanba ka tagi rabto

dhanka kale raaxo aadbeey u dareemeysay in uu gacaliyaheeda cabaas aad uga xunyahay safarka aay raaxo gali doonto , waliba waa aay dareensaneyd in cabaas caloosha hadal ka buuxo balse uuna diyaar u aheyn in uu weydiyo

raaxo oo gacaliyaheeda niyada u dhiseeyso misane rabto in uu ogaado waxa uu gacaliyaheeda tabayo ayaa ku dhahday

 

Raaxo: macaanka , waan dareemaya in aad hadal la cabsaneyso balse wax kasto oo niyaadaada ku jiro waad i sheegi kartaa

Cabaas: dabcan hadal waa iga buuxaa balse diyaar uma ihi in aan ku weydiyo oo waan ogahay in aayna waxba ka so baxeynin

wixii uu waqtiga is guraba waxaa la soo gaaray xiligii aay raaxo magalada muqdisho ka duuli laheyd

cabas wuxuu goaansaday in uu raaxo ilaa iyo eleboorka muqdisho geeyo asiga oo waliba leh

 

Cabaas: dabcan codsiyadeeyda waad diiday balse , jaceylka aad i qabto hadii uu run ka yahay halagaa arko , hadii kale hadaba i sheeg aan nafsada runta u sheegee

Raaxo ayaa markii gacaliyaheeda xabadka ku qabtay ayada oo hadlakaasi aad oga naxday ayaa dhahday

Raaxo: macaanka waan ku jeclahay taasine waan ka run sheegayaa ee niyada qeyr u sheeg , kana soo qaad in aan xaaskaada ahay

waxaa lagu hishiiyay in aay raaxo soo wacdo marka aan ka tagto Neyrobi si aay gacaliyaheeda ugu sheegto nabarka laga helo

raaxo iyo cabaas ayaa mudo dhowr biloowd ah dhanka taleefanka ku wada xiriiri jiray , balse

 

nasiib daro , amaankii dalka ayaa aad u xumaaday , dalka waxaa soo galay ciidamadii shisheeye haba ugu darnadaane kuwii ethopia

cabaas abahis wuxuu goansaday in dhamaan wixii ganacsi ahaa uu dalka ka wada in lawada xaraasho oo famileka o dhanka dalka ka baxaan

mudo bil ah ka dib waxaa suuragashay in cabaas iyo familekisa o dhan u soo guuraan dalka Turkiga waliba magalada Ankara

isla maalintii uu ka soo duulayay magalada muqdisho , raaxane waxeey ka duulaysay magalada Neyrobi e dalka kenya

cabaas iyo raaxo dib danbe suura gal waa u noqon weysay in aay is xiriirayaan oo midba midka kale ma uusan heysan meel u ka waco

 

Raaxo wexeey ku daashay telfoonadii cabas aay ku taqiinay sida goobihii ganacsiga telfoonkii guriga iyo waliba kiisa gacanta , balse nasiib daro telfoonadaasi o dhan malaga qaban , dhanka kale cabaas wuxuu ku daaalay telfoonkii uu raaxo ku yaqiinay balse waxaa ka qabanay VOICE MAIL

balse cabaas ayaa go"ansday in uu jaceylkiisa baadi goob u galo si uu mar uuna gacalisadii gacanta ugu dhigo ,

 

cabaas ayaa goaansaday in uu safarka dhulka ah ku soo galo yurub asiga oo soo maray gariiga si uu mar uun dalka swedan gacaha u soo dhigo

 

cabaas ayaa la tashaday aabihiis asiga oo leh

 

la soco qeybta kale sabtiga so socda

 

 


asp hit counter
hidden hit counter