Part 12 Jahwareer jaceyl

Cabaas: aabo maanta waxaan rabaa in aan arin kaala hadlo ee maxaad ka qabtaa

Aabo Abdi: baabo , wax walbo oo aad rabto waad igala hadli karaa ee ma aroosi rabtaa oo gabar miyaan kuu doonaay

Cabaas: aroos warkiisa ma jiro , oo naagta aan aroosi lahaa ayaan rabaa in aan baadi goob u galo marka garab aan kaa helo

Aabo Abdi : jaceyl waan kasaa anigaba sidaan buu iso maray ee balse soo daa maxaad rabtaa

Cabaas: aabo arimaha dalka oo qasnaa aawgeed , aniga iyo gacalisadeeyday Raaxo ayaa kala dhunay oo inta aan safarka ku soo jirnay ayey Kenya ka tagtay meel aan ka raado ma aqaan meel aay iga so raadisone ma taqaan ee maxaad ka qabtaa hadii aan safarka dhulka ah galo

Aabo Abdi: oo intee rabtaa

Cabaas: Gariiga ka dibne wacaan rabaa in aan sidaasi swedan ku tago si aan baadi goob ugu galo gacalisadeeyda

kaftan iyo waano dheer ka dib ayaa lagu hishiisayay in uu cabaas iska baxo oo uu gacalisadiisa baadi goob u galo

mudo 17 maalmood ka dib cabaas waxaa usuura gashay in uu ka soo tago dalka turkiga asiga oo u socoda gariiga , cabaas markii uu tagay gariiga ayaa xaalkii oo dhan is badalay

 

cabaas waxaa suuragal u noqon weysay in uu helo safar toos ah oo swedan ah , o waxaa waajib ku noqotay in uu wado kale maro

cabaas waxaa lagula taliyay in uu maro wadanka holland oo sidaasi uga sii gudbo swedan , balse nasiib daro markii uu holland yimid ayaa halkaasi lagu qabtay o waxaa waajib ku noqotay in uu halkaasi iska dhiibo

 

cabaas waxeey ku qaadatay mudo sanad ah in uu helo sharcigii daganaashahay ,

cabaas markii uu helay sharcigii ayuu horay ka aaday dalka swedan asiga oo ku daganayo saaxibkiis cabdullahi ahmed nuur

cabaas iyo saaxibkiis ayaa shekadaan dhax martay

Cabaas: salaan sare sxb

Abdullahi: cabaas oo soo dheeraaday warka isii hee maxaa daranaa

Cabaas: sxb jaceyl baa iga so dhumay , 10 maalmood ah ayaa fursad heystaa ee xalkeen hee

Abdullahi: yaa ka maqan hee oo aad raadineysay

Cabaas: sxb gacalisadeeyda raaxo ayaa iga maqan oo aan mudo labo sano ku dhaw aan waxba ka maqlin ee war maka heysaa

Abdullahi: woow , ayadaba waa ika weydisay oo mudo dhowr bil ka hor ayaan mar ku arkay meel aay somalida ku kulmeysay

Cabaas: sxb qoftaas ayaan rabaa ee ila raadi

 

Abdullahi iyo cabaas raadis dheer ayeey u galeen helintaan raaxo balse suuragal wa noqon weysay in aay is helaan

cabaasa iyo oo niyad jabsan ayuu iskaaga soo noqday wadankiis holland

 

cabaas wuxuu goaan saday in uuna dib danbe u raadin raaxo oo u jaceyl cusub iskaaga sameysto oo sidaas mustaqbalkiisa dib uga dhisto

balse nasiib wanaag maalin maalmaha ka mid ah ayuu cabaas goaansday in uu aado wadanka masar si uu soo salaamo walashiis oo halkaasi daganeyd

maalintaasi waxeey aheyd maalintii ugu farxada badleyn ee cabaas abid soo marto

 

la soco qeybta kale sabtiga soo socda insha allah

 


asp hit counter
hidden hit counter