Part 13Jahwareer jaceyl

cabaas ayaa markii uu imaaday elebookra diyaradaha caalamiga ah ee wadanka holland ee magaalada Amsterdam , Schiphol international Airport , ayaa indhiihisa qabtaneen gabar somaliyed misane kala xiran oo aadba moodo in aay raaxo tahay

Cabaas ayaa markii aay gabadha sii jeesatoba si fiican u fiirinayay si uu ugu soo xasuusto gacalisadiisa raaxo

cabaas ayaa galay xasuus aad u faraxa iyo in uu dib u soo xasuusto maalintii uu soo macsalaameynayay iyo waliba in uu dhunado faraantigii aay mudo sedex sano ka hor ah siisay gacalisadiisa hadiyay ahaan

dhanka kale raaxo ayaa dhowr jeer dhankeeda fiirsay , wilkaan aadba moodo in uu egyahay gacaliyiii mudada dheer ka hor ka dhumay

balse cabaas iyo gacalisadisa raaxo mudo halsaac ku dhaw ayeey qofba qofka kale daawaneysay , sababtoo ah qofba qofka kale waa aay ka baqeysay in aay la hadasho kan kale , oo waxeeyba is dhayay armuuba hayenba qofka aad muudo

balse cabaas ayaa dhankiisa aad u necbaa guul darada , oo isl lahaa . qofkaan hadii aad la hadasho ameeyba isku kaa micneysa oo ku dhahdaa maku kasaayi ama wax la mid ah , dhanka kale cabaas ayaa aad u neclaa somalida xiliyada qaar afafka qalaad iskula hadlo o niyada iska , war hadii aad qofkaan la hadasho ameey engrish ama dutch ama luqada aadan rabin aan ku hadasho ameey kugula hadashaa

balse wuxuu waqtiga is guraba waxaa so dhawaaday xiligii aay duuli laheyd diyaaradii uu cabas raaci lahaa

 

cabaas ayaa goaan saday in u fadhiisto meel u dhaw raaxo si uu u ogaado balse markii uu cabaas u soo dhaqaqay Raaxo xageeda ayaa raaxo is celin weysay o durba soo istaagtay mise ku soo booday

cabaas ayaa dhankiisa ku soo booday oo raaxo ayaa ilin ka soo daadatay ayada oo aamini weysay in uu gacaliyaheeda maanta hortagan yahay

dhanka kale cabaas ayaa fiiri dheer u celiyay bal in aay qoftaaani raaxo tahay mise qof kale , balse markii uu xaqiiqsaday ayuu marlabaad xabadka saray asiga o mudo dhowr daqiiqo ah xabadka ku hayay

balse wax yar ka dib raaxo ayaa hadalka furtay ayada oo leh

Raaxo: see tahay macaanka oo intane maxaad ka haysaa oo dadkane sidaasi miyaa loo nacaa

Cabaas: suaalaha waadba igu badisay ee see camal ,  marba hadii aadba  macaanka i dhahday waan kaaga wada jawaabayaa

Raaxo: cabaas wali dabeecadaada ma is badali wallahi

Cabaas: dabcan halkaani waxaan u imaaday in aan adiga ku soo raadiyo o xitaa dhowr jeer ayaan tagay swedan si aan adiga ku helo balse qof kasto oo aan ku weydiyo waxey igu jawaabtay raaxo mar baan arkay balse wax aqbaar ah ma telfoon ah maka hayo

Raaxo: cabaas anigaba mudo hal sano ah ayaan ku raadinayay balse marba hadii aan ku wayay oo telfoonadii aan kugu kasayay oo dhan leyga qaban wayay waan iska sabray oo waan iska guursaday

Cabaas: yarta anigaba sidoo kale mudo lix bil ah ka hor ayaan mar tagay swedan oo aan bil soo joogay markii aan ku soo wayayne waxaan goaan saday in aan iska sabro oo aan jaceyl cusub iska sameysto oo aan iska guursado balse wali wax jaceyl ah ma sameysna mana guursan , ee adiga hada wax caruur ah miyaad leedahay

Raaxo: maya wax caruur ah ma lihi , oo aniga waalidkeey ayaa wiil igu daray o Norwey joogo balse , mudo bil ka hor ah ayaan kala tagnay oo hada waxaan ahay singel ama garoob sida aay somalida dhahdo

Cabaas: waan gartay ,

Raaxo: cabas iga raali noqo qalad baan kaa galay oo balamihii aan kaa galay ayaan ka baxay oo markii aan mudo ku wayay waan iska niyad jabay ee waan ku baryaa iska keey cafi

Cabaas: waligeey wax cuqdad ah makuu qaadin oo kala fogaashaheena burburka dalkeena ayaa u sabab ah ee hada xageed ku sii jeeda

Raaxo: hada waxaan u socodaa Ethopia o waxaan raba in aan walidka so salaamo , ee adigane

Cabaas: waxaan u socdaa masar o waxaan rabaa in aan walaasheey iyo caruurteeda soo salaamo oo mudo 5 sano ah ma arkin

cabaas iyo raaxo ayaa mudo dhowr daqiiqo ah ku sheekeysanayay eleboorka balse cabaas ayaa raaxo hadalkaani kaga naxsaday

Cabaas: yarta , 15 daqiiqo ka dib diyardeyda waa aay duuleeysa marka waa in aan sii dhawaadaa o waa ino markale ee telfoonkaada isii

Raaxo: cabaas in aad sidaan iga tagto aad baan kaga xumahay , balse anigaba horay ayaan kaaga soo tagay in aad maanta iga tagto qalad uma arko eemaxaad ka qabtaa marka aan soo noqdo in aan ku soo maro o aan mudo kula joogo ama aad xagga igu imaado

Cabaas: waxba kama qabo oo mar walbo madaxa korkisa ayaad i sarantahay telfoonkeeygana waa kanaa adresekgane waan kanaa ee hadii an masar tagane telfoonak walaashey ayaad iga so wici kartaa oo ah kan , cinwaankeygane waa kanaa

Raaxo: woow jumlo ayaadba i siisay balse igu dhaleey in aan dhamaan kor ka xifdiyo , balse aniga waan kuu qorayaa tlefoonadeeyda ee balse sug

cabaas iyo raaxo sidaasi ayeey isku macsalaameeyeen , oo raaxo aad beey ugu faraxsaneyd in aay cabaas dib u aragto dhanka kale cabaas aad buu ugu faraxsana in uu mar uun raaxo arko , balse wuxuu aad ugu xumaday in aay raaxo guursatay

 

raaxo markii aay tagtay Addis ababa dhowr jeer ayeey cabaas dhanka internetka ah ku wada kulmeen , balse qof xanuunka hayo so bandhigatay ma jirin o waa aay iska kaftami jiren oo kaliy a

balse maalin maalmaha ka mid ah ayeey raaxo suaalo aad u yar yar misane muhiim u ahaa weydisay cabaas ayada oo leh

Raaxo: yarka holland maxaad ku heysaa oo guri ma dagtay mise wali

Cabaas: yarta arday baan ahay oo waxbaan iska bartaa , waana iska shaqeystaa , gurigane waan daganahay somahan

Raaxo: oo kaligaa miyaad dagantahay ?

Cabaas: dabcan ya kaloo la dagi lahaa , in anan guursan horay ayaan kuugu sheegay somahan

Raaxo: dabcan anigane sidoo kale kaligey baan daganahay ee maxaad ka qabtaa hadii aan kuu so martiyo

Cabaas: aadbaan ku soo dhaweynayaa

raaxo ayaa aad ugu faraxday balse cabaas niyadiisa shucaac weyn baa ku furnaa oo ku saabsan arimaha raaxo , asiga ooba aamini wayay in aay raaxo guursatay mise aay asiga wali jeceshahay inkasto oo asiga waligeey qofkale xirii sax ah la sameynin

la soco qeybta kale sabtiga soo socda

 


asp hit counter
hidden hit counter