Part 14 Jahwareer Jaceyl

Raaxo ayaa hadalka ku bilaawday

Raaxo: macaanka aad baan kuu jeclahay adiga sidoo kale marka maxaad ka qabta hadii aan is guursano

Cabaas: dabcan markii aan awood weyn u lahaa in aan aroos weyn kuu dhigto waad ka madax adegtay balse ogow hee in aanan kuu dhigeeynin aroos aan si fiican ugu wada qanacno , sababto ah in aan waalidkey aroos i dhaga dhaho diyaar uma ihi

Raaxo: waxaas ka bax gacmo wada jir beey wax ku gooyaan baa la dhahay , dabcan wixii adiga ka dhiman aniga ayaa hayo marka fasaxa kuleelaha ee so socdo maxaad ka qabtaa hadii aan ku aqalno holland si aay hoyadaa arooskina u maamusho

Cabaas: oke balse aroos noocee ah baad rabtaa

Raaxo : dabcan aroos iska caadi ah oo aan labadiinaba ku qanacno, wixii qarash ahne waan wada baxsaneynaa oo farxadeena in aan wada dhisano diyaar baan u ahay

cabaas iyo raaxo aad beey ugu faraxsanayeen goaanada aay wada gaareen

mudadii lakala maqnaa cabas iyo raaxo waxeey ku wada xiriir jireen dhanka telfoonka ama aalada internetka

cabaas iyo raaxo ladaba waxeey ahaayeen arday wax wada bartaan

 

wixii uu waqtiga is guraba waxaa soo dhawaaday xiligii run ka dhigada riyadooda

cabaas iyo raaxo waxeey guda galeen qaban qaabada arooskooda

maamada cabaas dhankeeda aad beey ula socota xaalka wiilkeeda iyo gacalisadiisa misane aad beey ula riyaaqday in aay arimahooda ayga o kaliya xalistaan

waalidiinta cabaas iyo waalidka raaxo oo labada aqoon dheer isku lahaayeen ayaana wax shardiyo ah isku xerin oo labada goaansaday in leysku nikaaxiyo misane waanada iyo wixii talo ahba la siiyo

dhanka waalidiinta raaxo aad beey ugu farxeen in aay gabadhooda guursato wiil aay walidkiisa yaqaanan misane aay ku yaqaanan wanaag

 

dhanka kale cabaas iyo raaxo ayaa markii aay u soo dhamaatay xaflada arooskooda ayaa waxaa dhaxmartay sheeko aad u mac

cabaas: yarta caawa waa habeenka igu farxada badan nolosheeyda balse adiga waa farxadaadii labaad ma jirtoo

Raaxo: gacaliye hadii aad i aamineyso waa habeenka iigu farxada badan , oo habeenkii aan arooska galayay adiga ayaan niyada kugu hayay aniga oo is dhahaayo balse cabaas muxuu ku dhihi doonaa hadii uu ku arko iyo wixii la mid ka ah

Cabaas: waxaasi ka bax , ee ogoow in aad famile cusub maamo u tahay ogoowne in la rabo in uu gurigeena cagahaada ku taagnaado

Raaxo; maku fahmin

Cabaas; waxaan ka wada naga ilaali xumaanta iyo dadka ka shaqeeyna isku dirtay iyo burburka qoyska , malaga yaabo in aan marnaba ku qiyaano adigane sidaasi oo kale ayaa laga rabaa , ogoowne in uu muranka iyo shakiga noo fiicneeyn

 

cabaas iyo raaxo ayaa hada ku wada nool wadanka holland ee gobolka Utrecht

waa famile aad u wanaagsan misane ku wada nool farxad iyo jaceyl

 

raaxo o aheyd fikradii ka danbeysay in aan sheekadaani qoro ayaa iga codsatay in aan armahooda jaceyl aan soo bandhigo

dhanka kale cabaas ayaa dhankiisa ila soo sameyay xiriir dhanka telfoonka ah oo la yaabay sida aan u habeeyay qisadooda jaceylka waliba asiga oo i balan qaaday in sheekada daaban doono oo uu caruurtiisa ku dhihi doono nala arka dhibka aan soo marnay

cabaas iyo raaxo oo la hadlayay aqristayasha ayaa ku dhahay

WALAALAYAAL KU DADAALA HOROMARKA JACEYLKA KANA RUN SHEEGA HADALADA AAD KU HADLEYSAAN

raaxo oo dumarka la hadleysa ayaa dhahday

HABLO ISKU BADNAADA ISKANA ILAALIYA XIRIIRA TARADA BADAN EE AAN FAAIDADA LEHYN KUNA DAADALA IN AAD JACEYLKAADA KA RUN SHEEGTO

    cabaas oo dhankiisa la hadlayo raga ayaa dhahay

RAGOOW KA DAAYA DUMARKA QIYAANADA OO ISKU DAYA IN AAD KA RUMEYSAAN FARXADAA SI AAD U DHADHIMISO MACAANTA NOLOSHA , MIDNA OGAADA HADII AAD GUURSATO QOF AAD RUN U JECESHAHAY OGOOW IN AAD KU NOOLAAN DOONTO NOLOSHA MIDEEDA UGU MACAAN , KALSOONIDANE WAA SHEEY QAALI AH

 

                                                                     dhamaad

 

qisadaan waxaa qoray qoraaga da´da yar ee Mohamed abdi adan

 


asp hit counter
hidden hit counter