Part 14 Jahwarer Jaceyl

cabaas ayaa dib ugu soo noqday wadanka holland , mudo 13 maalmood ah ka dib ayaa waxaa usoo dhacay telfoon

Cabaas:hello waa kuma?

Raaxo: woow codkaada oo telfoon ku maqlo mudo dheer ka hor aya igu danbeeysay walaahi , haye sheeko miyaa kaa qasay

Cabaas: woow , maya qaali waan iska baashaalayay somahan

Raaxo: haye duqa , bari waxaan safar baan soo ahay waana transet ku ahay holland balse waxaan rabaa in aan mudo labo habeen ah kula joogo in aan wax kuugu sheego ee maxaad ka qabtaa

Cabaas: marba hadaad nafsadaada oo dhan igu aamintay oo aad goaansatay in aan isoo booqato , diyaar baan u ahay oo waan ku so dhaweynaya , eleboorkane aniga ayaa ka so doonayo

Raaxo: oke oo brito 15.30 ayaan so dagayaa marka waa inoo goorbtii aan ku kulanay hadane macsalaamo

cabaas ayaa markiiba eleboorka tagay oo qoftiisa ka soo waday , balse intii wada lagu soo jiray ayeey raaxo gacanta cabaas fiirisay ayada oo rabtay in aay fiiriso bal in uu faraantigii aay siisay uu hayo iyo inkale , balse markii aay ku aragtay fartiisa faraantkii ayeey ku dhahday

Raaxo: yarka , aadbaan ugu farxay in aan faraantigaan aan fartaada ku arko , oo aamin baa tahay

Cabaas: faraantiiga kaada ma ahan oo qofkale aya isiisatay somahan ahahahah

Raaxo: faan badni yaa wax ku siisanayo adigane . ha ii faanin yaana ceybtaada banaanka so dhigin e

cabaas iyo raaxo ayaa kaftan iyo qosol ku imaadya gurigii cabaas e wadanka Holland

markii guriga la imaaday ayuu cabaas raaxo ku dhahay , yarta waad daalantahay oo maanta o dhan ayaad safar soo aheyd marka iska seexo oo barito ayaan si fiican usheekeeysaneeynaa e

raaxo aad beey uu daalneeyd o durba horay ayeye ka seexatay

balse maalintii danbe ayaa marki hurdada laga soo kacay ayaa waxaa sheekada furay cabaas

Cabaas: yarta aad si fiican baad u horay baan qiyaasayaa

Raaxo: aad iyo aad balse xalay xageed seexatay o maba ku arkin e

Cabaas: haa , wiil saaxibkey ah ayaan la seexday oo guryaha naga soo horjeedo dagan

Raaxo: woow aamin baa tahay , ee ka waran hadii aan suaal ku weydiyo

Cabaas: dabcan wax kasto waad i weydin kartaa

Raaxo: oke hadii aan ku dhaho wali waan ku jeclahay oo intii aan kala maqneynin niyada ayaan kugu hayay maxad ka dhihi laheyd

Cabaas: dabcan taasi kaligaa mahan o anigaba waan kula qabaa , balse waad guursatay oo sideed baad niyada igu heysay ?

Raaxo: walaahi beentaa mahan balse niyadeeyda muhiimadeeda adiga xagaada ayeey soo jirtay markii an ku wayayne waxaan iska goaansaday in aan iska guursado oo aan mar uun qof xaas ah noqodo somahan

Cabaas: dabcan aad baan kuu fahmay , balse aad baan uga xumahay in aayna riyadaada horay u socon weyso

Raaxo: riyadii iga burburtay mid ka sii wanaagsan ayaan rajeynayaa oo qofkii ugu horeeyay oo aan niyada ka jeclaaday ayaa i hor fadhiyo oo an diyaar u ahay in aan nafsadeyda faraha ka saaro oo uu ii maamulo waa hadii uu iga ongolaado e

Cabaas: daban in aan nafsadaada maamulo horay ayaan u rabay balse waad i gadiiday lkn aan ku suaalee kala taga ninkaada maxaa qasbay .mise xanaaqii aad iga xanaaqi jirtay yaad ka xanaaqday ayaad markaasi kala tagteen

Raaxo: dabcan in aan kaaga sheekeyo diyaar baan u ahay ee bal hadalka i cadeey maxaad ka qabtaa hadii aan riyadeena ka run sheegno

Cabaas : dabcan diyaar baan u ahay balse ogoow in an rabo in aan xaalkaada wax badan ka ogaado

cabaas iyo raaxo ayaa labada laga dareemi kari xiiso aad u badan

dood dheer ka dib ayaa waxa lagu hishiiyay wixii dhacay leyska iloowo oo horay loo sii socdo

balse raaxo oo rabtay in aayna mar danbe gacliyaheeda cabaas weynin ayaa ku dhahday

Raaxo: macaanka maxaad ka qabtaa hadii aan barito hooyadaa soo salaano , si aan ugu sheegno in aan is jeclenahay misane aan rabto in aan nolosha horo mar ka gaarno

Cabaas: dabcan barito shaqo ayaan leeyahay balse bari dane ayaan aadeeynaa oo cawa ayaan wacayaa oo aan u shegayaa in aan hal habeen la soo seexaneeyno

markii loo taagay maamo Rahmo ayaa waxaa dhax martay shekadaa

Mama Rahmo : haye gabadha uu wiilkeeyga jeclaa o madaxiida iiga so tagay ma adigabaa

Raaxo: haa hooyo anigaba sida aan u raadinayay waan daalay somahan

Mama Rahmo: balse waxaan maqlay in aad guursatay ee waxaasi been miyaa

Raaxo: waa sax maamo balse hada waan kala tagnay wilkane ma aheyn mid aan aniga jeclaa  balse dhanka waalidka buu ka yihimid hadane waan ka tagnay

Mama Rahmo - cabaasne inteed iska hesheen

Raaxo: asiga oo masar u socdo ayaan eleboorka iska helnay oo hadane asiga ayaa daraad soo maray oo labo maalmood ka dib ayaan adayaa swedan

maamada aad ayeey ugu faraxday in uu wilkeeda dib u helo gacalisadiidsa , mamad ayaa wilkeeda ku dhahday

Mama Rahmo: wiilkeeyga i dhageeyso , raaxo aad bey ku jeceshahay sida aan dareemayo , oo mudane waad kala maqneydeyn , markii aay ku weysayne waa ay iska guursatay ee hada maxaad ku dhahday gabadha , oo ma waxaad dhahday marba hadii aad aroos horay u soo martay maku rabi , waayoo gabadha qalad malahan oo calafka alla agtisa ayuu ka qoran yahay , e hadaba ha xumeyn ,jaceylkaadane ka run sheeg , caawane aniga ayaad ila seexaneysaan e

 

raaxo aad beey ugu faraxday in maamada cabaas aay sidaas oo dhan aay wilkeda ula hadasho , cabaas sidoo kale aad buu ugu faraxsanaa hadalada waanada u badan ee ka soo baxayay hoyadiis

balse markii lagu soo noqoday gurigii cabaas ayeey raaxo iyo cabaas , kulan aad dheer wada qaateen oo waqti badan qaatay

raaxo ayaa hadalka ku furtay

Lasoco qeybta kale sabtiga so socda
 

 

 

beyluxe.com

asp hit counter
hidden hit counter