Part 7 jahwareer jaceyl

Najmo oo fursada qaaliga ka faaideeysaneeysay ayaa ku dhahday , is daji oo iska iloow cabaas oo rag ayaa ka badan hadii aad swedan tagtane hali doonto mid nolosha wax ka yaqaan oo waliba daacad ah

Raaxo ma fahmin sababta aay juhdigaan o dhan ugu bixineeyso oo aay sidaan oo dhan ugu waanineeyso

raaxo ayaa niyada ku dagsatay hadalka saaxibteed qiyaanooleeyda ah ee Najmo misane iska soo dhigtay qof daacad ah

labo isbuuc ka dib ayeey raaxo wada ku aragtay wAbdullahi oo ah cabaas wiilka ka yar

Raaxo: yarka sanadka caraftaada ayaa isoo jiidatay maanta ee doono miyaa ku balansan ?

Abdullahi: adigaba sida oo kale waad  shidantahay maanta ee warka isii

kaftan yar ka dib ayeey raaxo suaal yar mise agteeda wax ka aheyd hoosta ka galisay ayada oo leh

Raaxo: cabaaso intuu ku danbeyay maalmahaan maba arkin e ?

abdullahi o arinta la socday ayaa ku dhahay

Abdullahi: dhaxda dhuuqso si aadan u nixin oo arin aadan ku farxin baan kaaga hayaa e

Raaxo: oo qosleeyso ayaa ku dhahday , kaftankaada ayaan jeclahay e soodaa hadalka

Abdullahi: Najmo ayaa idin kala dishay oo najmo waxeey jeceshahay cabaas oo dhowr jeer ayeey isku dayday in aay sheegato jaceylkeeda balse cabaas waa uu ka diiday adigane hadal aay qof kuu sheegtay ayaad jaceylkaada o dhan ku burburisay

Raaxo: waxaasi oo dhan sideed ku ogaatay?

Abdullahi: hadalka ma dhameysan ee fursad isii,,,,,, cabaas iyo aabane daraad ayeey isku raaceeeyn dubai oo aay joogayaan mudo bil ah ka dibne waxeey u sii adayaan sucuudiga

Raaxo: raaxo oo naxsan ayaa ku dhahday? muxuu doonay oo asiga oo i sheegin miyuu baxayaa?

Abdullahi: dumaashi telfonka ayaad ka qaban weysay wuxuuna iigu kaa dhaafay warqad , warqadane caawa ayaan kuu keenayaa ee hadane byy

raaxo ayaa markii warqada loo keenay ku bilaawday aqris

KU: qof la siray

KA: qof wax jecel

WAX KASTO MAALIN AYAA LA BILAAWAA, MAALINTII AAN JACEYLKA KUU SOO BANDHIGANAYAY WIXII AAN AAMINSANAA IYO WAXA AAN MAANTA AAMINSANAHAY FARQI WEYN BAA U DHAXEEYA, WAAN KU JECLAHAY OO DARISKA AYAABA MARQAATI KA AH , ANIGA MARKII HORE WAAN AAMINSANAA BUUFIS IYO WA LA MID AH , BALSE HADII AAD DIYAAR U TAHAY IN AAD NAFSADAAD AIGU AAMINTO WAXAAN DIYAAR U AHAY IN AAN KUGULA NOOLAADA DUNIDA MEESHA AAD U JECESHAHAY TAASINE MAKA WADO IN AAN RABO IN AAD YURUB I GEEYSO BALSE WAXAAN KA WADAA , AAN KU WADA NOOLAANO HADBA MEESHA AAY AWOODEENA NA DHIGTO

HADAL QOF KUU KEENTAY AYAAD JACEYLKAADA OO DHAN KU BURBURISAY ,

NAJMO WA LA SOCDAA OO DHOWR JER AYEEY ISKU DAYDAY IN AAY WAX WALBO IGA HOR ISTAAGTO BALSE KALKAAN DHAAWAC WEYN BEEY I GEEYSATAY OO MANA LAGA YAABO IN AAN QABSADO AMA AAN LA MURMO

HADALKA AAN KUU SOO GAABIYO , WAAN KU JECLAHAY HADII AAD QALAD IGA AAMIN TAYNE IGA RAALI NOQO ,

                                                HADAL AAD KA NAXDO

MUDO SEDEX SAAC KA DIB WAXAAN U DUULAYAA DUBAI ANIGA OO ARIN SHAQO U AADAYO , DIBNE WAXAAN U MALEEYNAYA IN AAN SAFARO SHAQO AAAN KU SOO KALA BIXIN DOONO WADAMO SUCUUDIGA AH ANIGA IYO AABO BALSE WALI MA HUBO WADAMA AAN AADI DOONO

BALSE WAXAA XAQIIQ AH IN AAN MUDO LIX BILOOD AH AAN SOOMALI KU SOO NOQON DOONIN .

WIXII AQBAAR AH WAXAAN KAALA SOO BALAMAY CABDULLAHI EE WIXII DARAN IYO WAXA AAD IGA DAMACSANTAHAYBA ASIGA LE IGU SOO HAGAAJI , SABABTO AH HADII AAN TELFOONKEEYGA KU SIIN LAHAA IN AADAN ISOO WACEYNIN WAAN HUBAA

 

MACAANTO WAAN KU JECLAHAY WAXANA RAJEYNAYAA IN AAN MAALIN MAALMAHA KA MID AH AAN WADA KULMI DOONO ANAGA O WADA FARAXSAN

MACSALAAAMO

QORE: CABAAS YARE

Raaxo o ilmeeyno ayaa warqada aqrisay , raaxo ayaa fahmi weysay meel aay wax ka bilaawdo , ugu danbeyntii waxeey goansatay in aay abdullahi wacdo oo aay weydiso telfoonka cabaas

raaxo ayaa ka codsatay cabdullahi in uu caawiyo oo uu garab istaago si aaay gacaliyaheeda marlabaad gacanta ugu dhigto

cabdullahi ayaa u shegay in uu cabaas laheyn telfoon u gooni ah balse uu isbuucii hal mar ama labo jeer maamada soo wacyo

raaxo ayaa cabdullahi ka codsatay in uu cabaas ka raali galiyo una sheego in aay jeceshahay oo wixii jiray iska iloowday

is jiid jiid dheer ka dib cabaas ayaa ku soo noqday magalada muqdisho asiga oo wali jahwareerkii jaceylka uu murug ku hayo

raaxo ayaa markii aay maqashay in uu cabas imaaday aad ugu faraxday oo durbaba soo wacday ,

cabaas iyo gacalisadiisa oo lawadaba difaac ku wada jiraan ayaa shekadaan gaaban dhax martay

la soco qeybta kale

 


asp hit counter
hidden hit counter