Part 8 jahwareer jaceyl

Raaxo oo ku faraxsan aay dib u maqasho gacaliyaheeda codkiisa ayaa dhahday

Raaxo: macaanka aad baan u faraxsanahay in aad codkaada dib u maqlo

Cabaas: dabcan anigane sido kale ee ma guursatahay hee mudo ayaan kala maqneyn e

Raaxo: hadii aan guursanayo xitaa waxaa lama huraan ah in aad xafladeeyda ka soo qeyb gasho

Cabaas: woooow , saas ayaa lagaa rabaa, macaanto aad baan u daalanahay oo wali xalay o dhan ma hurdin oo safar baan ku soo jirnay marka waan sii seexanayaa ee macsalaamo

raaxo oo aan ku qancin macsalaameyska cabaas ayaa ku dhahday

Raaxo: macaanka macsalaameys aan jecleysan ayaad i macsalaameysay ee hurdo wacan by by

cabaas oo madaxa ciida ka ceshanaya mise is adkeeynayo ayaa ku dhahay

Cabaas: oke mahadsanid by

dhan kale Najmo aad beey ugu faraxsaneyd in aay cabaas iyo raaxo aay intaas oo dhan i moogaadaan , najmo ayaa isku dayday in aay raaxo dhowr jeer wiilal kale ku qalqaaliso balse waa aay ka diiday

raaxo aad beey ula socotay in aay najmo cabaas jeceshahay balse wax xumaan ah ma matusin dhankeeda

Najmo ayaa ku faraxday in aay maqashay in uu cabas dalka dib ugu soo noqday, goaansatayne in aay cabaas caadi u so salaanto

najmo ayaa markii aay guriga cabaas imaaday loo sheegay in uu qolka fadhiga ku jiro walibane asiga kaligiis

Najmo:yarka sanadka ,  hadii dalka laga tagay xitaa dib maloo soo wacay dadka miyaa

Cabaas: dabcan adiga kaliga mahan oo dadka oo dhan ayaanba soo wicin somahan

Najmö: Dabcan nifsdeeyda ayaa ku tawday , oo in aan dib kuu arko aad baan ugu faraxsanahay

cabaas: hadal waaweeyn baad ku hadaleeysa oo aanan fahmin , mise aniga ayaa qalad wax u fahmay

Najmo: wax garad baa tahay oo waxa aan ka hadlayo waad dareemi kartaa cabaas , balse hada waan kaa si tagayaa oo markale ayaan fursad fiican ku wada sheekeeysaneeynaa

Cabaas; fursadaan fursad ka weyn in aay ku soo mari doonto ma ila ahan oo wixii aad qabto maanta waad sheegi kartaa , oo madaxa korkiisa baad i sarantahay

Najmo oo dib u fadhiisatay ayaa ku dhahday

cabaas nafsadeeyda ayaa ku jecel waliba si wanaag ah oo daacad ah kuu jecel  , hadalka aan ku hadlanayo afka ka dhihin e qalbiga ayaa ka dhahay , please codsigeeyga aqbal

cabaas: waligeey kuma fikirin in aan xiriir kula sameeyo mana laga yaabo in aan fikiro , iga raali noqo , waad dareemi kartaa sababta aan ku diidayo

Najmo: waan dareemi karaa , balse mid ogoow hee , somali waxeey ku maahmaahdaa , wax aad taqaano guurso wax aad taqaano beey dhalaan

cabaas: hahahahahahah qalbiga ayaad waayeel ka noqotay , najmo waan ku jeclahay waxaana kuu jeclahay qaab walaaltinimo sorry

Najmo: hadii aad rabto waad ka soo fakiri kartaa, balse arintaan waa sir aan kugu qarsaday ee fadlan qofna ha iga sheegin hadane waan sii baxay

cabaas aya markii aay najmo baxday goaan ku gaaray in uu aado garoonka TEERI si uu banooni(kubad) ugu ciyaaro. nasiib wanaag inta uu wada ku sii socday asiga iyo ragii aan wada ciyaari rabeen ayaa waxaa ka hor imaaday raaxo

raaxo: macaanka shalay leed imaaday maantane banooni ayaa u socodaa see camal

Cabaas: macaanto malmahan oo dhan kubad ma ciyaarin marka maanta aan kaa so baashaalo ee halkeed u socotaa

Raaxo: waxaan rabay in aan ku soo booqdo balse marba hadii aan kubad u socoto horay ayaan kuu raacayaa si aan kuu soo daawado

raaxo iyo cabaas mudo bil ku dhaw ayeey wada sheekeeysanayeen ayaga oo aan wali is raali galin oo qofba qofka kale ayuu difaac kaga jiray

ugu danbeeyntii raaxo ayaa ku goaan ku gaartay in aay gacaliyaheda ka raali galiso niyad jabkee aay u geesatay

cabaas aad buu ugu farxay in aay dib u hishiiyaan balse najmo ayaa aad ugu xumaaday in aay cabaas iyo raaxo dib u hishiiyaaan

najmo marnaba kama daalin juhdigii aay rabto in aay cabaas ku hantiso , najmo ayaa maskaxdii ugu danbeeysay keentay ayada oo goaansatay in aay cabaas iyo gacalisadiisa hadal u kala qaato ayada oo adeeygsaneeysaneeyso gabar aay saaxibo ahaayeen o SAFIYO la yiraahdo

safiyo iyo cabaas ayaa aad iskuugu fiicnaayeen dhanka walaaltinimada

najmo yaa safiyo u sheegtay in aay cabaas jeceshahay balse uu la socdo raaxo o aay rabto in aay cabaas iyo raaxo isku dirto

waxaa lagu hishiiyay in aay safiyo cabaas wacdo oo aay sheeko xiiso leh u bilaawday si raaxo loo dhaho cabaas safiyo ayuu la socdaa

la soco qeybta kale


asp hit counter
hidden hit counter