Part 9 Jahwareer jaceyl

Najmo iyo safiyo ayeey waqti dheer ku qaadatay ka doodida arimaha Cabaas iyo Raaxo balse ugu danbeyntii Safiyo ayaa ongolaatay in aay Cabaas wacdo oo aay u sheekeeyso sababtoo ah Safiyo iyo Raaxo waxaa jira dagaal horay u dhax maray

safiyo oo hadleeyso ayaa dhahday

 

Safiyo : Raaxo aniga iyo ayada hishiis managa dhaxeeyo marka hadii uu cabaas ka xanaaqo waxba iga ma galin waxaa i daran in uu cabaas iga xumaado oo kaliya , sababto ah waa mid ka mid dhalinyarada oo aay xaafada shekada igu baxdo

 

wixii uu waqtiga is guraba waxaa la so gaaray xiligii cabaas la so wici lahaa

safiyo ayaa markii aay telfoonka wacday ka qabtay cabaas ayada oo shekada ku bilaawday

Safiyo: yarka qaliga ah oo aan u xisay , salaaman ka dheh

Cabaas: wooow maanta qof culus ayaa iso wacday , walee codkaan waan aqaan e ma Safiyaa mise waa qof kale

Safiyo: yaaba kaloo ku soo wici kara , waa safiyadaadii e , warka isii see i tahay qaali

Cabaas: aad baan kuugu wanaagsanahay ee xageed ku danbeeysay miyaad guursatay ,, malamahan gabdhii waa la kala boobayaa e 

Safiyo: maya , aniga waxaan sugayaa inta uu sicir barar ka dhacayo marka adiga maan ka xumahay adigaba waad jogta e

Najmo ayaa marki aay ogaatay in aay sheekada iskuugu baxday Safiyo iyo Cabaas ayaa goaansatay in aay wacdo raaxo

 

Najmo: yarta see tahay xaalkaada , gacaliyahaadane dib buu usoo noqday oo daraad baan arkay

Raaxo: haa walaahi wuu isoo laabtay marka see i tahay adiga qaali , waa lagu wayay malmahan e

sheeko gaaban ka dib , ayeey Najmo hadalka muhimadisa furtay ayada oo leh

Najmo: yarta aan warka kuu gaabiyo , waa taan isku sir qarsan jirnay e , mala socotaa in uu cabas xiriir la leeyahay Safiyo

Raaxo: xiriir walaaltinimo oo kaliya ayaan ku ogaa e see wax u jiraan

Najmo: yarta , saakay ayaan safiyo i imaaday oo aay i sheegtay in aay cabaas wax kala dhexeeyaan oo aay waliba meel fiican u mareeyso

Raaxo: oo maxaa ka dhaxeeya hadalka ii faahfaahi

Najmo o jaaniskaasi ka faaideysaneyso misane dareentay in aay raaxo hadalka u dhuun daloosha ayaa ku dhahday

Najmo: hada ayaan ka soo tagay safiyo oo waxeey la hadleysay cabaas , marka hadala ROMATIek ah oo aay ku hadlayaan ayaan soo dhageysan wayay , maka waxaan goaansaday iin aan ku sheego wixi jira

Raaxo : oo yaaban ku dhahday ..... romatiek noocee ah

Najmo: hadii aadan i aamineeynin bal wac cabaas oo weeydii ee bal iskud ay in uu telfoonka ka qabanayo iyo inkale , war filimpo aad u mac ayaa ku socota ee sidaas wax ula soco

wixii aay shekada socotaba waxa lagu hishiiyay in aay raaxo cabaas wacdo si aay hadalka u xaqiiqsato , balse nasiib daro cabaas ma uusan qaban CALLWAIT kii aay raaxo ku soo gashay

raaxo ayaa aad uga coortay(maseertay) telfonka laga qaban wayay , waliba dhidid waa weeyn ka soo daatay .

wixii aay raaxo telfoonka ku celcelisoba  ugu danbeynti waxey goanstay in aay mobilekiisa ka wacdo balse maxa dhacay

 

cabaas: hello , salaman ka dheh qaali xooga ka dib wac ayaa igu jirtay

Raaxo:oo marka aaad sheekda romatika ah so dhameysato wac miyaad is dhaheysay

Cabaas: adiga kaftanka ayaan kugu jeclahay marka aniga ayaa ku so wacayo qaali ee wax yar lee isug

raaxo: calaa iyo xal waxaan rabaa in aan ogaado qofka aad callka ugu jirto "?

Cabaas: waa safiyo ee maxaa jiran waan maseray miyaad i dhihi rabtaa "?

safiyo doodaas dhax mareysay aad beey ugu faraxsaneyd , oo waaba janiskii aay radineysay

cabaas ayaa raaxo ku qanciyo in aay telfoonka isa saarto oo aay is dajiso wixii aay rabtone weydin karto balse raaxo hadalkaasi maku qancin oo waxeey is dhahday , ninka sheeko mac ayaa u socota

 

dhowr daqiiqo ka dib cabas ayaa safiyo u sheegay in uu markale so wici doono o aay sidaasi isku macsalaameyaan

balse cabaas ayaa markii uu telfoonka isa saaray goansday in uu soo casheeyo ka dib lee u waco

balse inta uu ka maqnaa telfonka aya waxa so wacday raaxo oo telfoonkane laga qaban wayay xitaa mobile , ayada oo xanaaqii aay xanaaqsadii uu sii lixaadsaday

balse waqti koban ka dib ayuu cabas so wacay raaxo oo waxaa dhax martay sheekdaan iyo doodaan

 

Cabaas: yarta see camal hee maanta , maxeey tahay is badalkaan kaa muuqdo

Raaxo: yarka waxaan rabaa in aad i sheegto waxa jira oo idinka dhaxeeyo safiyo

Cabaas: war wax naga dhaxeyo ma jiraan e maxaad dareentay

 

raaxo oo xanaaq laga dareemayo waliba aad u careysan ayaa ku dhahday

 

la soco qeybta kale sabtiga kale

 


asp hit counter
hidden hit counter