Party 6 jahwareeer jaceyl

raaxo ayaa muraga iyo fikirka aay ku jirtay dadka oo dhan ka dareemen oo isheeda ayaa god dheer gashay

raaxo waxaa qabsatay LABO DARAN MID DOORO

úgu danbeyntii waxeey goaanstay in aay cabaas u sheegto oo hadalka mug mugdiga ka saarto

cabaas ayaa markii uu telfoonka qabtay ku bilaaway

Cabaas: gacaliso aad baan kuu salaamay

Raaxo: gacaliye qalbigaa kaa gudoomay ee ka waran caafimaadka

salaan  iyo is wareeysi gaaban ka dib raaxo ayaa sheekada ku bilaawday

Raaxo: gacaliye meel kaligaa ah waliba buuq la'aan ah tag si aan wax kuu weeydiyo

Cabaas:waanba joogaa oo qolkeeyga jiifka baan ku jiraa e maxaa daran qaali?

Raaxo: oo ee please albaabka lee xero si aanan qof kuugu so galin

raaxo oo dhidid waaweeyn ka socdo mise wadnaheeda si aan caadi aheyn u garaacmayo kana cabsi qabto in uu gacaliyaheeda ka niyad xumaado ayaa ku bilaawday

Raaxo: macaanka run iyo ilkaba waa la cadeey , qabri iyo ninkii loo wadane lama kala qariyo ee waxaan rabaa in aad iga qanciso arin maalmahaan oo dhan igu soo noqnoqoneysay

Cabaas: macaanta maku fahmin ee hadalka i furfur

Raaxo:macaanka shaki kuma jiro in aan ku jeclahay balse , ii sheeg maxaad iga damacsantahay aniga oo hamigaada muxuu yahay?

Cabaas: wali si fiican kuuma fahmin oo waxaan dareemayaa in aad wali wax qarineeyso

Raaxo: macaanka waxaa isoo gaaray war sheegayo , in aad rabto in aad i qudbo sireeysato oo marka aan tago SWEDAN aan kuu soo dacwoodo oo aad sidaas igu dangaarto, FARTA IYO MEEL BUGTO AYAA IS OG AYAA LA DHAHAY , oo xalay ayaadba iga codsatay guurka qudbo sirada ah , adiga oo awood u leh in aad aroos caadi ah wada galno

Cabaas: macaanto hadalkaasi yaa ku soo gaarsiiyay oo ma Najmo ayaa weerar kugu soo qaatay

raaxo:cabaas hadalka cadeey oo wax kasto oo aad iga damacsantahay waad i sheegi kartaa , in aad madaxeyga swedan ku tagto wax weyn mahan oo wax walbo waxaa ka muhiimsan kalsoonida ee hadalka cadeey

 

cabaas oo waran weyn ku taagmay ayaa wax uu ku hadlo garan wayay mise marmarsiiyo oo dhan u wayay

cabaas: macaanto waxaa tahay qof hadal lagu soo qunfulay qaab aan u qanciyo ma kasaayi aniga

raaxo: cabaas hadii aad is dhahday raaxo waa ku jeceshahay hadalne makugu soo celin karto .. ogoow in aadan isoo raadi karin adiga oo aadan i wadin jawaab aan ku qanco hadane macsalaamo

cabaas: saas ha u hadlin ee isku day in aan wax iska dhaadhicino

Raaxo: calaa iyo xaal , hadii aan mudo labo maalmood ah wax jawaab ah kaa waayo , macnaheda waa in aadan dan iga laheyn oo aad been wadato hadane by

cabaas ayaa indhihiisa ilin ku soo istaagtay , oo wax kasto oo uu sameeyo hurdo oo dhan iska wayay

cabaas ayaa dhowr jeer isku dayay in uu waco raaxo balse telfoonka ayaa laga qaban wayay hadii laga qabtane waa lagu daminayay

raaxo marka aay telfoonka ku damineeyso maka wadin xumaan e waxeey ku mashquulsaneeyd murug naxdin iyo waliba ooyin

raaxo aaya ka baqeeysa in uu cabaas aflagaadeeyo ama uu ku dhaho wixii maanta ka danbeeyo walaalo ayaa nahay iyo wixii la mid ka ah

dhanka kale Najmo ayaa ka warsugeeysay raaxo

labo maalmood ka dib ayeey raaxo wacday najmo

Najmo: salaan sare qaali . aqbaar ayaad i heeysa ayaan filayaa maanta

raaxo:haa balse ii imaaw oo murug tii la dhahaayay haa i jijibisay e

Najmo: maxeey tahay muraga oo kaa maqan ?

Raaxo: haa abaayo cabaas ayaan kala xanaaqnay oo mana isoo wacyo anigane ma waco

najmo oo ku faraxday hadalkaas ayaa ku dhahday

Najmo: see wax u jiraan ?

Raaxo: hadalkii aad i sheegtay ayaan u qabsaday , jawaabne maka sugin oo ilin ayaa iga soo daadatay telfoonkane waan ku damiyay

NAJMO AYAA NIYADA ISKA DHAHDAY , GOOLKII AAN RABAY WAAN DHALIYAY OO WAA XILIGII AAN CABAAS JACEYLKEEYGA U BANDHIGAN LAHAA

Najmo: macaanto hadii uu dacad yahay asiga ayaa ku soo raadinayo balse asiga o aan waxa jiro o dhan kuu sheegin haka yeelin ,, aroos qarsoodi ah o dhane haka yeelin

la soco qebta kale


asp hit counter
hidden hit counter