waa qisadii murugada iyo xanunka badnee ee la magac baxday WALIGEEY ISMAAN ORAN WADNAHEY KU ISTAAJIN

 

qeybti 7aad

 

kaftan iyo sheeko dheer ka dib waxaa la soo gaaray xiligii hadalka nuxurkisa la guda gali lahaa waxaana hadalka furay CABDULLAHI BLACK asiga oo leh

 

Cabdullahi:walaashis waxaan rajeynayaa in aad maanta wax i sheegi rabto marka waxaan jeclaan lahaa in aad hadalka muhiimadisa ka wada hadalno

 

Samaantha:haa beenta mahan o waa sax waxaana rabaa in aan arin ku sheego aan maalmahan oo dhan kaala baqayay taasi oo ah in aay nafsadeeyda adiga ku tabeeyso oo aan rabo in aad gacaliyaheeyga noqota

Waa sababta aan kuugu wacay maanta waxaana rajeynayaa in aad codsigeeyga tixi galin doonto

 

Cabdullahi:wlh waa arin culus balse hadii aad sida aad u sheegtay wax u jiraan waad mudan tahay in codsigaada la tix galiyo balse waxaad war iga siisa gacaliyahaada saalim

 

Samaantha: aniga gacaliye aan adiga aheyn ma rabo in aan yeesho sababto ah saalim wax walaaltinimo dhaafsan ma jirin oo waxaan aheyn dad jecel in ay markasto wada sheekeeysatan balse wax intaas dhaafsan ma jirin

 

Cabdullahi:xaqiiqda sida aad wax u sheegeyso iyo sida uu wax iigu sheegay farqi weyn baa u dhaxeyay oo wuxuu igu dhahay in aad tihiin laba qof o wax meel wanaagsan u marayaan

 

Samaantha :wlh aniga waxa niyadiisa ku jiro ma sheegi karo balse aniga nafsadeyda adiga ayeey ku rabtaa ee isku day in aad u wax u qabato waliba adiga o daacad u ah

 

Falanqeyn dheer ka dib waxaa lagu hishiiyay in xariirka beenta ah labadoodaba wada daadihiyaan oo inta badan dhanka telfoonka lagu xiriiro

 

Samaantha markii horeba ma aheyn qof aay wax dacad ka ahaayeen oo waxey rabtay o kaliya in aay black ugu aarto dhibkii uu u geystay saaxibteed ruqiya

 

Qof daacad ah iyo qof kale maba isku darsamaan oo ninkii black ahaa waxaa la yaab la noqotay in aay isbuuci halmar oo kaliya qadka telfoonka ku wada xiiraaraan oo hadii uu wacane la dhahayo ma joogto amaba aan telfoonka laga qaban

 

Ugu danbeeyti cabdullahi ayaa codsaday in sida ugu dhaqsiyaha badan u kulmaan asiga iyo gacalisadiisa samaantha

 

Cabdullahi markii u imaaday halkii lagu balamay wuxuu u sheegay samaantha in uu xili dhaw aadi doonto Dubai uuna kusoo maqanaan doono 6 bilood sidaas daraadeed uuna rabo in uu MEHERSADO ,

Samaantha arinka meherka wuxuu la noqday la yaab iyo waliba arin aan suuragal u aheyn sababto ah waxeey balan adag ka soo qaatay saalim aayna rabaytay in sida aay noqotaba aay noqota xaaskiisa

 

Cabdllahi waxaa maalintaas lagu qanciyay in aay ka soo fikirto arinta guurka

 

Islma markiiba waxey wacday saaxibteed ruqiya oo arinka o dhan kor kala socotay

 

Samantha : saaxib ninkii cabdullahi ahaa wuxuu rabaa in u i guursado waliba si qarsoodi ah

Ruqiyo:haye adigane maxaad dhahday?

Samaantha: waxba ma dhihin oo waxaan dhahay waan ka soo fikira wuxuuna iga sugooyaa jawaab

Sababto ah wuxuu igu dhahay hadadan goaankeeyga ongolaan waxaa i xaqiiq ah in aadan daacad aheyn e maxaa la sameeyaa

Ruqiya : maxaad ka qabtaa hadaad aroos been ah la gasho

Samaantha: maku fahmin

Ruqiya: waxaan u sheegeeynaa in uu abahaa ethopia jiro sidaas arooska wuxuu ka dhacaa isla xaafada siinaay

Asigane sidas ayuu ku qancaa arooskane waa been ee ka waran arinkaan

Samaantha:wlh waa arin fiican balse maxaa faaido ah o inoogu jirto hadaan sidaas sameeyno sababto ah wad la socota in aan saalim jeclahay aana balan kala dhiganay

 

Ruqiyo:wax weyn mahan arinkaan dhaxdeena ma dhafayo saalimne maba ogaan karo oo hoos ayaan hoosheena ka wadaneeynaa hadii aan danteena gaarnone waan usheeygeyna cabdullahi in aay waxaan aay been yihiin

 

Waqti dheer iyo falan qeyn ka dib waxaa dhacay arooskii been abuurka ahaa sidaas aay tahayne cabdullahi shaki weyn ayuu qabay oo ku saabsan arinta aroos-ka

 

Ugu danbeeyti waxaa lagu hishiyay in uu 5 maalmood ka dib dhaco arooska shiekhii nikaaxi lahaane uu cabdullahi horay u so wato

 

dhanka kale saalim wuxuu ku mashquulsanaa arintii safarka

saalim iyo samaantha wax xiriir ah ma aaysan isku heysan inta uu saalim ku soo jiray wadada

 

saalim markii uu soo galay yurubtii uu u dhibka badan u soo maray oo uu helay sharicii daganaanshaha ayuu dib u so raadiyay gacalisadiisa samaantha

 

saalim waxba makala socon arimaha samaantha balse wuxuu aamin sana in aay tahay qof balanta aad u ilaalineeyso sidi ayuu ku soo wacay asiga o wax ma oge ah

 

saalim: gacaliso waan ku salaamay

samaantha :macaanka aad baan ugu faraxsanahay in aan codkaada dib u maqlo waliba adiga o caafimad qaba

saalim: macaanto anigaba sido kale balse ka raali noqo is maqal la’aanta dhacday

samaantha: macaanka waxaas dhib malahan o inta badan cabaas ayaan la xiriiri jiray oo ii sheegi jiray hadka meesha uu xaalkaada marayo

 

saalim:haye macaanto maxa iska kaa badalay inta aan ka sao maqna maxaane kugu soo zaaiday ???

 

samaantha oo shaki galay ayaa ugu jawaabtay

 

samaantha : macaanka maxaa maqashay hee?

saalim: wax ma maqlin balse waan ku weydiyay oo kaliya

 

samaantha: macaanka wax zaaid ma jiraan balse waxaa jirto o kaliya in ay nafsadeeyda kuu xiistay waliba aay rabto in aay ku aragto

 

saalim: insha allah waqti dhaw wad I arkee ee niyada qeyr u sheeg

 

saalim iyo samaantha maalintaas wixii ka danbeyay waxeey ahaayeen dad aad iskaga war hayo oo isbuci labo jeer dhanka telfonka ku wada xiriir inkasto aay warqado dhanka internetka ahne Is dhaafsan jireen

 

igu danbeysay saalim ayaa ka codsaday gacalisadiisa in aay siisyo PASSWERKa cinwaankeeda asiga oo leh

 

saalim: macaanto waxaan jeclaaday in aan helo Paswerkaada waliba hada ee maxaad ka qabtaa???

 

samaantha oo shaki weyn ku abuurmay ayaa ku jawaabtay !!!

 

samaantha: macaanka sideed u hadlee oo ma igu kalsoonid miyaa

 

saalim: kalsooni daro hadeey jirto maba ku weydin laheyn balse kalsooni aan kugu qabo Ayaan kugu weydiyay

samaantha :---------------------------------

la socoto qeybta 8AAD sabtida kale insha allah

 

waxa idin soo diyaariyay qoraaga da’da yar MOHAMED ABDI ADEN

wixi talo ah waxaad I noogu so hagaajin kartaan saalim888@hotmail.com

 

 

 


asp hit counter
hidden hit counter